{"product_id":"9780957026964","title":"Wadajir Baa Awood Leh","description":"Sheekadan \"Wadajir baa awood leh\" waxay ka mid tahay sheekooyinka xigmadaha waaweyn leh ee ay soomaalidu ku sheekeysato, jiilba jiil u soo gudbinayey, ummada kalena ay la wadaagaan. Waa sheeko xariiro la soo qaato marka la doonayo in laga tusaale bixiyo wanaagga wadajirka uu leeyahay iyo dhibta ka iman karta kala tagga iyo iskaashi la'aanta.\u003cp\u003eSoomaalidu waxay leedahay maahmaaho dhowr ah oo wadajirka ka hadlaya waxaana ka mid ah; \"Far kaligeed fool ma dhaqdo\" iyo midda kale ee oraneysa \"Gacma wadajir bey wax ku gooyaan\", sidoo kale suugaanleyda ayaa maansooyinkooda in badan uga hadla wadajirka bulshada iyo tafaraaruq hadduu yimaado cawaaqibka laga dhaxli karo. Sidaa si la mid ah ayey u soo qaataan sheekadan iyo kuwa la mid ahba. \u003cbr\u003eUgu dambeyntii waxaan rajeynayaa in buuggan uu noqdo mid xoojiya ku baraarugga wadajirka.\u003c\/p\u003e\u003cp\u003eCabdiraxmaan M. Abtidoon\u003cbr\u003eAMA Books\u003c\/p\u003e\u003cp\u003eABOUT THE ARDAA SERIES:\u003cbr\u003eThe ARDAA series is designed and published for Somali speaking\/learning children. The books in this series are written by different writers, the stories within ARDAA are fictional, some are folktales and others are original works. The writers of ARDAA have one thing in common - the love for Somali traditions and customs.\u003c\/p\u003e","brand":"Galool","offers":[{"title":"Default Title","offer_id":50091596120304,"sku":"9780957026964","price":12.0,"currency_code":"USD","in_stock":false}],"url":"https:\/\/shop-qa.barnesandnoble.com\/products\/9780957026964","provider":"Barnes \u0026 Noble (DEV)","version":"1.0","type":"link"}