Looh Press
Silsiladda Xulka Suugaanta Soomaalida: Gundhigga
Silsiladda Xulka Suugaanta Soomaalida: Gundhigga
Couldn't load pickup availability
Barnaamijyadan oo weli 'Voa'da laga baahiyaayi waxay soo jiitamayeen muddo 40-gu'-ku-dhowaad ah, laga soo bilaabo sannadkii 1979kii. Dhegeysteyaal faro badan oo kala da' iyo kala degaan ah, in badanna ku taxnaa ayaa barnaamijyadaas jeclaystay; kuwaas oo qaarkood ay igula taliyeen inaan u rogo buugaag isxiga oo la daabaco, lana faafiyo, si Soomaalida iyo Afsoomaaliguba ay, timaaddada, wax uga dheefaan. Aniguna kama diidine, waan ka yeelay. Badanaa, gabayada, geeraarrada iyo masafooyinka qoraalladaan ku xusani ma dhammaystirna. Waa tusaaleyaal aan ka soo dhanbashay gabaygii ama geeraarkii weynaa ee, asal ahaan, ay ka midka ahaayeen.
Ha yeeshee, waxaan isku dayey akhristaha inaan farta ugu fiiqo buugga, iyaga oo dhammaystiran, ay markoodii horeba ku soo baxeen, haddiiba buug ay ku soo baxeeni uu jiro. Sidaas oo kale. waxaan isku dayey inaan sharax dheeraad ah ka bixiyo (footnotes) erayada aan is'iri in la laqbeeyo ayay u baahan yihiin; taasina, siday ila tahay, waxay akhristaha ka kaalmayn doontaa garashada dulucda dhabta ah ee maansoyahan-hebel uu u dan lahaa. Ugu dambaysta, waxaan diyaar u ahay inaan laab furan ku dhegeysto wixii dhalliil ah ama sixid ah oo akhristeyaashu ay ii soo jeediyaan.
Share
